Cali Guray oo Sadaaliyay Xaaladda Sool iyo Caqabadaha ku Gadaaman
Hargeysa(Qaran news)-Siyaadiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay in saddexda bilood ee soo socda aanay sidaas ahaan karin Sool oo wax la isla ogol yahayba jirin.
Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraalo uu ku daabacay Facebookgiisa. Wuxuuna ku baaqay in aan weerar lagu qaadin.
“Somaliland ma habboona inay weerar hor leh ku qaado Sool. Waxa fiican sug oo eeg,” ayuu yidhi Cali Guray.
Waxaanu intaas ku daray “Xaaladda Sool ma aha mud ka soo raynaysa waayo wax la usla ogol yahay iyo cid wax isla ogoli ma jirto.”
“Sool saddexda bilood ee soo socda sidan kuma sii taagnaan karto cirka iyo dhulka dhexdooda meel ah oo dhannaba ahayn ayaa la joogaa oo la dhacdhacayaa”