Cali Waran-cadde oo Ammaanay Ciidanka Booliska
Hargeysa(Qaran news)-Siyaasi Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in ciidamada boolisku yihiin hay’ad aad iyo aad u qiimo badan, isla markaana qayb weyn ka ah dhismaha dalka.
Sidoo kale waxa uu xusay in ciidamada boolisku yihiin kuwa salka u ah nabadgelyada bulshadu ku seexato.
Geesta kale waxa uu tilmaamay in yihiin kuwa muquuniya cidkasta oo isku dayda inay nabadgelyada khalkhalgeliyaan, waxaanu hoosta ka xariiqay in askariga booliska ahi aaminsan yahay in uu yahay ka bulshadu ku hurdo.
Ciidamada booliska waxa uu ku waaniyay in ay bulshada u tudhaan, ixtixaamaan, isla markaana aan dhib u geysan ciddii aan dhibaato wadin.
Waxaanu yidhi.“Waxaan ka soojeeda dhal boolis, aabahay booliska ayuu ahaa, aniguna aniga oo yar oo 17 jir ah ayaan galay booliska.
Boolisku waa hay’ad aad iyo aad u qiimo badan, qayb weyna ka ah dhismaha Qaranka, waana ciidanka dalka oo dhan gudihiisa nabadgelyaddooda lagu seexdo, waana wehelka shacabka, cida kaliya ee nabada gudaha ilaalisaana waa booliska.
Maanta booliskeenu waa kuwa lagu seexan karo, oo cidkasta oo xumaan isku dayda muquuninkara, ninka booliska ahi waa nin naftiis u huray dalka iyo dadka, waxaanu aaminsan yahay in bulshadu isaga ku hurudo, inta badan ma dhacdo in booliska lala dagaalamo, garbihiisa calankii ayaa ku xardhan, foodiisa astaantii ciidanka ee Goodirka, dadkana waxa ka mabnuuca inay gacanta ula tagaan, in dirayskiisa la taabto waa danbi kale oo gaara, sababto xasaanad iyo xurmo ayuu leeyahay askarigu, isna dadka wixii aan dhib keenayn in uu si wanaagsan u qanciyo una tudha waa lagama maarmaan, bulshada waxaan leeyahay ninkani waxa uu sita Qarannimadiini, waxaanu naftiisa u huray in aad nabadgashaan”