Ugu horayn, cashuurtu waa shay ay diinta islaamku xaaraantimaysay. Waa fal xitaa cida gurta alle ka fogeeyey naxariistiisa.
Diinteenu maxay banaysay beddelka cashuurta? diinteena suuban waxay ay qof kasta oo haysta hanti ay ka baxayso sakadu, uu ku waajib yeelay bixinta sakada waxaaney ka mid tahay shanta tiir ee diinta islaamka.
Sakada waxa dib loogu soo celinayaa dadka masaakiinta ah sidoo kale waxa loo isticmaalaa arimaha bulshada iyo horimarintooda.
May soo marin haba yaraate mar ummada muslimiinta cashuur laga qaadey xiligii khilaafada, laakiin dadka aan muslimka ahayn ayaa cashuur laga qaadi jiray.
Haddaba hadii la waayo kharash ku filan hawlaha dawlada sida: amaanka, caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo dhamaan baahiyaha asaasiga ah waxa lala xiidhidhayaa hantiilayaasha iyo ganacsatada dalka iyadoo laga dhaadhicinayo bixinta xoolo lagu hormariyo baahiyaas, oo iyagana ajar ugu jiro ay tahayna arin daruuro ah.
Hadii ay diidaan ganacsatadu loona baahan yahay si loo daboolo baahiyahaas, ayaa ay dawladu ku waajibin kartaa cashuur lana waafajinayo kharashka loo baahan yahay, iyadoon marna la ogolayn in qofka xoolihiisa khasab lagaga qaado, haddana waxa la kala dooranayaa laba dhibaato iyadoo ta fudud la qaadanayo.
In xoolaha qofka la qaato iyado lagu ilaalinayo amniga waddanka lagana hortago qalalaasaha, waxaana la rabaa in aan cadaalada laga tagin, oo laga soo qaado dadka isla dadkiina lagu celiyo ee aanay meel kale u leexan, waxa kale oo muhiim ah in aan cid qudha laga qaadin, sidoo kale dadka ganacsatada ah ee awooda u leh in ay bixiyaan laga qaado ee aan faqiirka aan awoodin bixintq cashuurta waxba la weydiin.
Dawlada somaliland waxay qaadaa cashuur iyadoo u cuskanaysa in ay ku horumarinayso baahiyaha asaasiga ah.
Iyado faqiirkii iyo taajirkii isku si looga qaado cashuurta oo aan loo kala eegin heerka ay taagan yihiin, ayaa haddana lacagtaas in ka badan 90% waxay ku baxdaa kharashaad, ee kuma baxdo horumarinta baahiyaha asaasiga ah taas oo aad uga soo horjeeda diinta islaamka. Iyadoo inta badan lacagtii danyarta somaaliland laga soo ururiyey kolba safar loogu baxayo oo nin koodh iyo tay xidhani kolba dal ugu anbabaxo, waa nasiib darro aad u wayn.

Dawlada somaliland cashuurtaaas malaayiinka dollarka ah ee shacabka ka qaado badankeedu waxay ku baxdaan mushaharaad iyo kharashaad kale oo faa,ido badan u lahayn dadka cashuurta laga soo qaadey, taas bedelkeeda halkii mashaariic horumarineed lagu fulin lahaa cashuurta ay dadku soo bixiyeen ee wax muuqda loogu qaban lahaa.
Dadka reer somaliland iyaga oo cashuurtaas bixiya ayey hadana waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo adeegyadii kale oo dhan iyagu iska bixiyaan oo aanay dawladaas cashuurta ka gurataa waxba ugu filnayn. dawlada hoose ee hada jirta ayaa loogu qaatay oo intii ay hada joogeen wax badan ku qabtay cashuurta ay ummada ka qaadaan sida wadooyin, biriishyo iyo dagmooyinkii oo dib u dhis lagu sameeyey taas oo muujinaysa hadii si saxa loo isticmaalo lacagta cashuurta ah in ay meel saxa ku baxayso.

Hadaba dawlada waxa la gudboon in ay xooga saarto mashaariicda horumarineed si wax la taaban karo ay berri uga tagto taas ayaana shacabka waxtar ugu filan.
Hadii kale miyaa dawladnimo ma jirtee koox isku timi oo umada dhiig marta ayaa jirta, taasina waa dulmi cad oo islaamnimada ka fog waana ”NINKII ROONI REERKA HA U HADHO”

WABILAAHI TAWFIIQ
Ahmed Harir Adam
Hargeisa, Somaliland