Wararka aanu ka helayno magaalada Berbera ayaa xaqiijinaaya in xukuumadda Muuse Biixi ee xilka wareejinaysaa ay 10kii cisho ee ugu danbaysay ay wixii alaabo ahaa ee ay ahayf in la cashuuro oo ay khasnada dawlada ku dhacdo la sameeyay hab musq maasuq ah oo dalka ku cusub, taasi oo ay ujeedada ugu weyn ee ay xukuumadu ka leedahay ay tahay in aan xukuumadda cusubi aanaybwax kharash ah ugu iman khasnada dawladda taasi oo ay rabto in ay ku curyaamiso maamulka cusub , hadaba warbixintani oo aanu helnay ayaa u dhigan sidani.
“Dakadii Berbera 10kii Cisho Ee u danbeeyay waxii bagaash iyo hantiba kasoo dagaysay dhamaan Wax cashuur ahoo laga qaaday ma Jirto Qof Kasta Warqad Free Ah Ayuu Sitaa Oo ay Soo Saxeexeen Aggasimaha guud muaadinka Iyo Agaasimaha waaxda Kastamka Faysal Dheere
Gaadhi Kasta iyo shay kasta oo yaalay dhamaan warqadaasa laguso Fasaxayaa Waa Boobkii Oo Ka Gaadhsiis Ah Labadaas Week Waxa La Lunsaday Hanti Kor Udhaafaysa Malaayiin dollars”.