Gaadiid nooca dagaalka ah iyo ciidamo katirsanaa Sool bari ee ku sugnaa gobolka Sanaag ayaa la xaqiijiyey inay gelinkii dambe ee shalay ka bexeen xeryohoodii isla markaana u goosteen dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Ciidamadaan oo watey laba gaadhi oo tikniko ah oo ay ku rakiban yihiin qoryaha dagaalka iyo gaadhi Land Cruiser VX ah kana koobnaa 25 asakari ayaa toos ugu biiray ciidanka qaranka Somaliland iyada oo si diiran loogu qaabilay xagaasi

Waxana la filayaa in ciidamo kale ka soo goostaan ciidan beeleedyada aagaasi ku sugnaa oo ay u soo galaan Somaliland arinkani ayaa salka ku haya gogoshii nabada ee uu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay dadka deegaankaasi ee ahaa in ay nabadu u furantahay wixii hubaysana ay ciidanka qaranka ku soo biiraan.