Xildhibaan Gavin Williamson ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Qaranku ku saxxan yihiin difaacida dalka, isla markaana tahay waxa qaranimadu ku dhisan tahay.

Md. Gavin oo hadal ka jeedinayey kulan lagu xusayey 26 June oo masuuliyiinta safaarada ee Ingiriisku soo qabanqaabiyeen ayuu ka sheegay in la gaadhay wakhtigii beesha caalamku aqoonsan lahayd madaxbanaanida Somaliland.

Mar la weydiiyey dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kooxaha huwanta ayuu Md. Gavin kaga jawaabay,
“Ciidamada Qaranku waxay difaacayaan madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliland, way ku saxxan yihiin, waana waxa qaran sameeyo.”

Xildhibaan Williamson ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka, waxaanu yidhi,
“Waxaanu doonaynaa wada xaajood, waxaan doonaynaa nabad, iyo in dadka isu-yimaadaan nabad.”

Xildhibaan Williamson ayaa hadalka ka jeediyey munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo xildhibaano kala duwan iyo dublamaasiyiin saaxiibada Somaliland ee caalamku hadalo ka jeediyeen.