Ciidanka Booliska JSL oo warbixin ka bixiyay shaqaaqo ka dhacday Hargeysa.
Hargeysa-Ciidamada Booliska JSL ayaa saaka ka hawlgalay shaqaaqo ka dhacday Masallaha Galbeed , halkaasi oo ahayd muran dhul iskuna haysteen laba reer , mid kamida dadkaasi meesha isku haystay waxay weerar kusoo qaadeen Ciidanka Booliska waxaanay ka dhaawaceen saddex Askari .
Dhanka kale , dadkii weerarka soo qaaday ayaa Ciidanku ka qabteen shan maxbuus iyo qoryahoodii , waxaana sidoo kale goobta ku geeriyooday hal qof oo shacaba
Ciidanka Boolisku isagoo gudanaaya waajibaadkiisa wax uu la wareegay goobtii muranku ka jiray , haddana isaga ayaa gacanta ku haya amniga goobtaas.
Taliska Ciidanka Booliska JSL , wax uu bulshada u caddaynayaa cid kasta oo dagaal kala hortimaada Ciidamada Booliska ina uu tallaabo ka qaadi doono ku habboon , waxaanan u soo jeedinaynaa inay dadka caadaystay waxyaabahaasi inay ka waantoobaan.