Ciidanka Booliska oo Qabtay 102 Tahriibe oo Itoobiyaan ah

Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Booliska Gobolka Saaxil ayaa hawl-gal ay fuliyeen waxa ay ku soo qabteen 102 tahriibayaal Itoobiyaan ah u dhashay dalka Itoobiya, kuwaasi oo sifo sharci daro ah looga dhoofinayay deegaanka Ceel- dhamasle oo ilaa 50-km dhinaca bari ka xiga magaalada Berbera.

Tariibayaashan u dhashay dalka Itoobiya waxa xogtooda bulshada la wadaagay taliyayaasha laanta Socdaalka iyo taliyaha qaybta Booliska gobolka Saaxil, waxa ay sheegeen in tahriibayaashan lagu qabtay hawlgal ay sameeyeen ciidanka booliska ee gobolka Saaxil.

Sidoo kale waxa ay sheegeen dadkani ay yihiin kuwa muqaal ahaan duruufo badani ka muuqdaan oo aad u jilicsan, waxa ay intaas ku dareen in safarka ay ku yimaadeen degaankan laga tahriibinayay uu ku qaatay muddo bil ah.

Laamaha ammaanka ee gobolka Saaxil ayaa sheegay in dadkan tahriibayaasha ah lagu celin doono dalkoodii, 102 qof ayaa ka kooban 76 rag ah iyo 26 dumar ah kuwaasi oo rabay inay u tahriibaan dalka Yamen iyo Sucuudiga.

Gaba-gabadii laamaha ammaanka gobolka Saaxil ayaa diginin u diray cidkasta oo ku shaqo leh arrinta tahriibinta dadka, waxaanay fareen inay ka waantoobaan, ciddii lagu helana sharciga la horgeyn doono.