Ciidanka Booliska oo Soo Bandhigay 60kii Qoys ee u Horreeyay ee Laga Rararay Line-ka Booliska Hargeysa


Hargeysa(Qaran news)-Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa sheegay in dhul la siiyay dadkii laga raray laynka booliska baahiyay sawirrada qaar ka mida lagu wareejiyay hanti gaar ay u yeelan doonaan.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta facebooga Ciidanka Booliska.

Waa qaar kamida dadkii deganaa Leynka Booliska oo lagu wareejiyey hanti ay gaar u leeyahiin iyo lacag , waxaana maanta la raray 60-qoys halka inta hadhayna sida ugu dhakhso badan hanti gaar u leeyahiin loogu wareejin doono.

Waxaanay dawladdu ay Askari iyo Sarkaal kasta siisay dhulkiisa uu degi lahaa , dhulkan oo ku yaala goob u dhaw magaalada ahaana xaafad hore loo deganaa lehna dhammaan adeegyada bulshada sida Waxbarashada , Caafimaadka , Laydhka iyo Suuqii/ Sariibadii laga adeeganayay.

Dhammaan dadkaasi waxay qoorta ku sitaan kaadhadhkii Hantigii la siiyay ee gaar u lahaayeen sida sawirrada hoose idinka muuqata.