Ciidanka Dabdemiska oo Tababar ku qabtay Jaamacadda Hargeysa
Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Dabdemiska JSL ayaa Tababar u qabtay qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadda hargeysa, kaas oo ku saabsanaa wacyi-galinta ka hortaga Dabka iyo sida loo damiyo hadii dab ka kaco haamaha gaaska ee cuntada.
Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) ayaa arday la wadaagay khibradiisa iyo aqoon ku saabsan khataraha haamaha gaasku keenaan.
dhamaan ardaydii ka soo qayb-gashayna waxay aqoon guud ka qaatayeen kana faa’iidaysteen sida ugu fudud ee looga hortago aafada dabka ee ay keenaan Haamaha gaasku.