Ciidanka Dabdemiska oo u gurmaday Guri ku Shuf beelay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Jiingad ah oo ku yaala degmada Gacmodheere.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, sidoo kalena ka fogaadaan goobaha dabku ka kaco.