Ciidanka Debdamiska oo Gurmad ka Galay Shil Baabuur oo ka Dhacay Hargeysa


Hargeysa(Qaran news)-Gaadhi noociisu ahaa Vitz ayaa shil ku galay agagaarka Beerta Xorriyada magaalada Hargeysa.

Ciidamada Dabdemiska ayaa si degdega goobtaa ku gaadhay waxaanay gaadhigaasi halis galin karayay haamo gaas oo hor yaalay meherado ku yaalay goobtaas, kuwaasi oo dhibaato weyn u geysan lahaa dadka iyo hantida goobtaa taalay.

Hadaba ciidanka Dabdemisku wuxuu ganacstada farayaa kuna adkaynayaa inay ka waantoobaan haamaha gaasta ee la dhigayo meheradaha hortooda kuwaasoo khatar weyn galin lahaa naf iyo maalba.