Puntland
Ciidamada taabacsan mucaaridka diiddan doorashada qof iyo cod oo waayadanba ku sugnaa duleedka caasimadda ayaa weeraray qaar kamid ah gaadiid sidey sanaadiiqda cod-bixinta ee degmooyinka gobolka Nugaal, iyaga oo la wareegey sanaadiiqda qaar sida ay soo bandhigeen – Tani waxa ay imanaysaa xilli shalay waxgaradka Nugaal ay go’aanno ka soo saareen khilaafla doorashada.
Dhinaca kalena
 Af-hayeen u hadlay ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaridka ee diiddan doorashada qof iyo cod ayaa xaqiijiyey in ay qabsadeen ‘qaar kamid’ ah sanaadiiqdii cod-bixinta degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.
“Annaga oo ah ciidanka Kamaandowska Danab, waxa aan shacabka u sheegeynaa in aanay dhici karin doorasho aan heshiis lagu ahayn oo damaceedu yahay muddo kororsi, doorasho aan heshiis lagu ahayn waddan kama dhici karto.” -Ayuu yidhi Af-hayeenka ciidanka u hadlay.