Arthur_Schaper oo ah cilmi baadhe madaxbannaan oo Maraykan ah ayaa sheegay in haddii dawladda #Washington ay aqoonsato madaxbannaanida #Somaliland ay tahay faa’iido istaraataji ah oo kor u qaadi doonto xidhiidhka Maraykanku la leeyahay mandaqada Geeska Afrika.

Warbixin Arthur Schaper uu ku baahiyay warbaahinta Maraykanka oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayuu ku sheegay in Somaliland tahay dal taariikh ahaan madaxbannaan oo ka duwan Soomaaliya, kana badbaaday burburka ku dhacay Soomaaliya.

Mr. Arthur Schaper wuxuu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991-kii, hase ahaatee aan weli la aqoonsan. Waxaannu ku dooday inay Somaliland leedahay astaamihii dal madaxbannaan looga baahnaa oo dhan.

Cilmi baadhe Arthur Schaper wuxuu sharraxay in 34kii sannadood ee ay Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda inay ahayd dal gaarkiisa u taagan oo is maamula, isla markaana leh lacag iyo ciidan. Waxaannu nidaamka dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka Somaliland ku sifeeyay mid naadir ah oo aan ka jirin gobolka intiisa kale. Wuxuuna ku ammaanay Somaliland sida nabdoon oo dimuqraaddiyadda ah ee xukunka la iskugu wareejiyo taasi oo ah wax aan caadi ka ahayn Afrika.

Waxa kaloo uu bayaamiyay in Dowladda Somaliland ay xidhiidh wanaagsan la leedahay dalal badan sida Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, iyo weliba wadamo kale oo Afrikaan ah sida Itoobiya.

Arthur Schaper wuxuu warbixintiisa ku sheegay in madaxweyne Donald Trump uu fursad u haysto in uu taariikh kale sameeyo oo uu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland. Taasi oo Marakanka u keeni karta faa’iidooyin badan oo ay ka mud yihiin:-

1. Xoojinta saameynta Maraykanka ee gobolka Geeska Afrika, iyadoo laga tallaabsanayo cabsida siyaasadaha diblomaasiyadeed ee aan go’aanka lahayn.

2. Taageeridda xasiloonida gobolka, iyadoo la aqoonsanayo maamul ay dadkiisu si hufan isu maamulaan, taasoo caqabad ku noqon karta kooxaha xagjirka ah ee ka jira gobolka.

3. Furitaanka waddo cusub oo loola macaamilo gobolka, iyadoo la beddelayo siyaasadda Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya oo aan natiijo la taaban karo ka keenin muddo dheer.

4. Soo afjaridda argagixisada iyo budhcad-badeedda gobolka, iyadoo la garab istaagayo dal nabadi ka jirto oo deggan sida Somaliland.

Arthur Schaper waxa uu warbixintiisa ku soo gunaanaday in aqoonsiga Somaliland noqon karo mid istaraatiiji ah oo qiimo u leh Maraykanka.