Cirro oo ka Hadlay Kulan Labaad oo ay la yeesheen Wefti ka socday EU-da

Hargeysa(Qaran news)-Murrashaxa Madaxweynaha ee xibiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in xisbigoodu maanta ay kulan labaad la yeesheen safiirka midowga yurub oo booqasho ku joogta Hargeysa.

Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ju baahiyay Facebookgiisa, waxaanu xusay inay ja wada hadleen iskaashiga Somaliland iyo dalalka EU-da oo ay isla soo qaadeen iskaashiga labada dhinac. Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

“Waxa aan maanta kulan kale kula qaaadannay Magaalada Hargeysa wefti ay hoggaaminayso Safiirka Dawladaha Yurub [EU] Danjire Tiina Intelmann.
Safiiradda waxa aan ka wada hadalnay xidhiidhka qotoda dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Saaxiibada Dawladaha Yurub ka dhexeeya, haddii ay tahay dhanka taageerada horumarka, kaabayaasha dhaqaalaha, hannaanka dimuqraadiyadda, Doorashooyinka iyo sidii uu xidhiidhkaasi u noqon lahaa mid sii waara.

Dhanka kale, waxa aan si nuxur leh u dul-istaagnay xaaladaha siyaasadeed, nabadgelyo, dhaqan-dhaqaale ee waddanka ka taagan iyo sidii looga gaadhi lahaa isfaham iyo heshiisyo ay qeyb ka yihiin dhammaan daneeyayaasha iyo saaxiibada Beesha Caalamka oo idil.”