Hargeysa,(Qaran news)- Cisbatalka guud ee magaalada Hargeysa oo baadhitaan ku sameeyay maydka Alle ha u naxariistee Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa saaka shaaciyay in marxuumka si axmaqnimo ah loo jidh dilay.
Waxa baadhitaanka ka soo baxay in si binu Adnimada ka baxsan oo cadawnimo ah loo dilay marxuumka.
Xadhig ayaa cunaha ama qoorta lagaga ciijiyay, sidoo kale daanka ayaa laga jabiyay iyada oo la garaacay , sidoo kale xiniinta iyo il ayaa nabar kaga yaalaa oo wax lagaga dhuftay sidaasi waxa cadeeyay Cisbitaalka guud ee magaalada Hargaysa.
Waxana aakhirkii maanta marxuumka lagu aasay magaalada Gabiilay ee dhacda galbeedka Somaliland
Waxana aaska ka soo qayb galay dhamaan bulshada reer Somaliland, xukuumadda xisbiyada mucaaridka Waddani iyo Ucid, qoyska iyo ehelada marxuumka iyo asxaabtiisii.
Marxuumkani oo ay dishay xukuumadda Xasan Sheekh ma aha markii ugu horaysay ee ay dawladaha Muqdisho ay ku kacaan arimo fool xun oo nocani oo kale ah.