Maadama oo lagu Jiro Maalmaha Dabaaldegyada 18 May, Waxaanu Bulshadayda Reer Somaliland guud ahaan Xasuusinaynaa in Xiliyadan ay soo kordhaan khataraha Shilalka Baabuurta, kuwaas oo Waxyaalo Naf iyo Maalba ah Geysta.

Sanadkan 2024 ee aan weli dhamaan, Waxaa Hargeisa group Hospital soo gaadhay 782 shil, Waxaana ku dhintay shilalkaas 35 qof.

January 2024:163 shil, dhimashadu waa 2
February 2024 :128 shil, dhimashadu waa 6
March 2024: 208 shil, dhimashadu waa 10
April 2024: 181 shil, dhimashadu waa 7
May 2024: 102 shil, dhimashadu waa 10

Sababaha ugu Badan ee Shilalkii soodhacay:

1. Xawaaraha Gaadhiga lagu kaxeeyay oo sareeyay
2. Caafimaadka indhaha oo aan wanagsanayn
3. Gawaadhi isku dhaafaya meel aan ku haboonayn in la isku dhaafo.
4. Mukhaadaraad badan oo la isticmaalay
5. Wadooyinka oo qaarkood ciladaysan yihiin
6. Gawaadhida la isticmaalayo oo aanay xaaladoodu fiicnayn.

Fiiro gaar ah: Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca na soo gaadhay, Waxay u badan yihiin Haween, khaasatan labada wakhti ee ugu badan ee shilal ku dhacaan haweenku waa Xiliga Aroorta Hore ama kalahaada iyo Wakhtiga galab carawga ah ama Makhribka.