Citizen Tv oo Warbixin ka Sameeyay 8 Kun oo Kenyaan ah oo nabadgelyo kaga Shaqeysta Somaliland

Hargeysa(Qaran news)- Dadka reer Kenya, ee ka shaqeysta Somaliland waxa tiradooda lagu qadaray 8 kun oo qof.

Telefishanka Citizen TV Kenya, ayaa warbixin ka sameeyay Kiiniyaanka ku nool Somaliland oo intooda badani ka shaqeystaan dhismaha,goobaha waxbarashada iyo cisbitaallada magaalooyinka Somaliland.

Qaar ka mid ah Kenyanka ka xoogsada dalka ayaa ku sifeeyay Somaliland waddan xasiloon oo dawladnimo shaqeynaysaa ka jirto.

Waxa ay ka marag kaceen in Somaliland gabi ahaanba ka duwan tahay Somalia, oo ay ku naalloonayaan inay nabadqab iyo xasilooni kaga shaqeystaan Somaliland.

Mid ka mid ah haweenka Kenyanka ah ayaa sheegtay markii ay ka imanaysay Nairobi ee ay shaqada ka heshay Hargeysa in hooyadeed u werwertay oo ay u baqanaysay amniga inanteeda, hase ahaatee ay imika yaqiinsatay in Somaliland tahay dal nabadgelyadeedu cago adag ku taagan tahay oo ay ku qabto kalsooni buuxda.

Waxa ay bayaamiyeen in Somaliland xaga furfurnaanshaha iyo maamulka dawladnimo iska shabahaan Kenya.