Codadkii ay kala heleen Jacob Frey iyo Cumar Faatax

Sida aan horey u tebinnay, Jacob Frey ayaa markii saddexaad ku guuleystay doorashada duqa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Jacob waxaa uu ka guuleystay musharaxii Soomaaliga ahaa, Cumar Faatax, oo ay si weyn u tartamayeen.

Siday wax u dhaceen: Frey waxa uu helay codadka ugu badan ee doorashada koowaad, saraakiisha doorashaduna waxa ay ku dhawaaqeen in uu guulaystay kadib markii ay tiriyeen codadka doorashada labaad iyo saddexaad.

Jacob waxaa uu helay in ka badan 50% codadka guud halka Fateh uu helay 44.4% cod.