Mas’uuliyiinta degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay dhinteen ka dib marki
i uu halkaasi ka dilaacay xanuun soo ritay dadka deegaanka, kaas oo aan ilaa hadda noociisa la garan.

Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar, Cabdirashiid Cumar Siciid ayaa VOA u sheegay in xanuunka uu wato qufac iyo qandho daran, taas oo sababtay in, inta ay xaqiijiyeen, afar qof oo labo ka mid ah ay yihiin dumar ay u dhinteen.

Waxa uu la hadlay wariyaha VOA, Yuusuf Maxamuud Yuusuf.