Culimada S/land oo xataa Sheekhii Muuse Biixi ku jiro warkoodii  wuxuu ku soo ururay Kelmed keliya oo ah Laascaanood Qofka Dirirteeda ka qayb qaata ee ku dhintaa waa Ehlu-naar!.

Culimadii Somaliland wada shaqayn buuxda, oo aan hore loo gu aqoon ayay ka sameeyeen mashaqada Laascaanood. Iyaka oo aanay cidi u maqnayn, oo Selefi, Suufi, Ictisaam iyo Waxdad ba isugu jira, oo xataa Sheekhii Muuse Biixi ku jiro, warkoodii dorraad waxa uu ku soo ururay mid keliya – Laascaanood ninka dirirteeda ka qayb qaata ee ku dhintaa waa ehelu naar! Taas micnaheedu waxa weeye, nin kasta iyo gabadh kastaayba wiilka qoyskiina ee aad meeshaas ku ogtahay u sheeg in uu jidkii naarta hayo. Qoyskayaga mid baa ka tegi gaadhay oo waa ka joojinay, islaamo sabaayad samaynaayay na waxaas faraha ka qaada ayaan ku idhi. Aniguba ma girif-girif yari – deminta dabka waan ka qayb qaatay, qalbiga na waan ka diidanahay. Culimadu wax wacan ayay aduunkooda iyo aakhiradooda ba u tareen, waa se in ay sii kordhiyaan. Cid kasta oo dagaalkaas ka soo hor jeeda ehel baanu nahay. Dagaal in uu Laaska ka bilaabmo fashil siyaasadeed oo Hargeysa ka yimid ayay ahayd welina tahay. Naf iyo maal ahaan cidda waxyeelada u weyni ka soo gaadhaysaa waa dadka deegaanka, siyaasi ahaan cidda khasaaraha u weyni ka soo gaadhay na waa Hargeysa, maxaa yeelay Laascaanood marnaba ma ahaan doonto sidii ay ahayd ka hor mudaharaadadii 27 December, 2022.

Waxa Qoray

Maxamed Haaruun Biixi