XAJKA iyo CIMRADU saw cibaado Alle maaha?

MAKA iyo MADIINA saw muqadasaadkii Islaamka maaha? Passportka UK, USA, CHINA iyo JAPAN waad ku tegi kartaa, laakiin passportka SOMALILAND kuma tegi kartid.

Culimada waxad soo weydiisaan, walaaltinimada iyo Islaannimadu maxay iigu dammaanad qaadi weyday inan Waajibka Alle guto, iyadoon la igu faquuqayn “Aqoonsi” ilayn aqoonsigu shuruudaha iyo arkaanta xajka kuma jiro, oo waaba Sharci gaalo samaysataye.

Haddii “Walaaltinimada Islaamku” u dammaanad qaadi kari weyday inay qofka reer Somaliland albaabka Maka iyo Madina ka furto, balse loo diidan yahay iyadoo loo cuskanayo nidaam reer Galbeedku sameeyeen oo ku saabsan aqoonsiga baasaboorka, iyo xuduudihii Gumaystuhu ka tagay, markaa dalkayga siyaasadiisa arrimaha dibadda maxaan ugu xidhayaa filasho hal dhinac ah oo ku salaysan midnimo diimeed.

Qalinkii: Abwaan Xasan Daahir “Weedhsame”