Culimo reer Muqdisho ah oo ka Talo bixiyay hannaanka lagu Burburin karo Somaliland

Muqdisho(Qaran news)-Xukuumadda Xasan Sheekh ayaa abaabushay culimada Muqdisho, kuwaasi oo soo jeediyay in la dhex galo oo la kala qaybiyo umadda reer Somaliland.


Mid ka mid ah ragga culimada ah ee shirkan Muqdisho ka hadlay ayaa soo jeediyay in dhaqaale loo diro dadka reer Somaliland gaar ahaan Boorame, Lughaya iyo Burco oo uu sheegay inay in badan oo ka mid ahi ka soo horjeedaan heshiiska is faham ee dhex maray dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la kasbado oo la dhex galo baarlamaanka Somaliland, si looga hortago in aan baarlamaanka laga ansixin heshiiskaas.

Sheekhan ayaa sidoo kale sheegay in la go’doomiyo oo siyaasad adag lagula dhaqmo Somaliland, wuxiuna soo dhaweeyay in hawada laga xidho.