Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo laga hirgeliyey Xarun Tallaal


Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa laga hirgeliyey xarun cusub oo loogu talagalay adeegyada tallaalka carruurta iyo dadka waaweyn.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa xadhigga ka jaray xarunta cusub, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka iyo ka-hortagga cudurrada tallaalka lagaga hortagi karo, gaar ahaan Cagaarshowga B (Hepatitis B).

Munaasibadda ayaa waxa ka qaybgalay maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, madaxda WHO, UNICEF iyo Save the Children, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Isuduwaha Gobolka Maroodijeex, iyo masuuliyiin kale.