Ceerigaabo(Qaran news)-Dawladda Hoose ee Degmada Ceerigaabo oo uu hoggaaminayo duqa degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlan dayactirka waddooyinkii laamiga ah ee magaalada iyo kuwo cusub oo magaalada laga binaynayo.

Sidoo kale waxa dhammaaday oo farta laga qaaday waddooyin cusub.

D/Hoose ee Ceerigaabo waxa ay bilaabaysaa waddooyin isku xidhaya magaalada Ceerigaabo.

Sidoo kale, mashaariicda Waddooyinka ee D/Hoose wadaa waxa taageeraya oo ay iska kaashanayaan dadweynaha Ceerigaabo.