Daabacaada Buuga Liisamada Gaadiidka oo la Gaadhsiiyay Sanaag
Hargeysa(Qaran news)-Xafladda Daahfurka Daabacada Liisamadda Wadista Gaadiidka Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka soo qayb galay agaasimaha Waaxda Liisamadda iyo bugaagta Ayaan Cabdicasiis Maxamed, Agaasimaha Waaxda Daabacada iyo Waxsoosaarka Muuse Yuusuf iyo Isuduwaha Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Gobolka Sanaag Xamse Haybe Cali.
Munaasibadan oo uu Ka soo Qayb Galay Mayor Ku-xigeenka Degmada Ceerigaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Gaadhi jiid). Waxaa halkaa hadal ka jeediyey dhamaan Masuuliyiintaa goobta ku sugnaa oo sheegay muhiimada iyo baahida Loo qabo Daabacaada Liisamada oo markii hore lagu soo Daabici jiray Caasimada Somaliland ee Hargeisa oo Sanaag u jirta in ka badan 700KM, Taas oo Gaadiidleyda Gobolka dhib ku ahayd.
Gebagabadii bulsho weynta ku dhaqan gobolka Sanaag waxay maanta laga bilaabo ka heli doonaan oo loogu Daabici doona liisamadda Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Gobolka Sanaag Magaalo madaxdiisa Ceerigaabo.