Dab Waxyeelo weyn u Geystay Deegaanka Milxo ee Dahabka laga Qodo
Laas-qoray(Qaran news)-Dab xoogan oo gaystay khasaare hantiyeed oo kala duwan ayaa ka kacay degaanka Milxo oo hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Badhan.
Degaankan Milxo oo dhaca bariga degmada Qadiimiga ah ee Laas-qoray ayaa caan ku ah qodista Dahabka iyo Macdanta isla markaana ay ka shaqaystaan dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.
Guddoomiyaha Degmada Laas-Qoray Cabdiraxmaan Suug ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay aad uga xun yihiin bulshadii hantidooda ku weyday dabkii degaankaasi ka kacay, waxaanu bulshada ka codsaday in garab istaag loo muujiyo dadkii ku hantida beelay dabkaasi.
Ilaa hadda sirasmiya looma oga sababta keentay dabka khasaaraha hantiyeed dhaliyay ee ka kacay deganaka Milxo.