Caasimada Somaliland ee Hargeisa caawa waxa lagu wadaa in ay xuska 18-ka May ay ka qayb qaadan doonaan dad kor u dhaafaaya hal malyan oo qof taasi oo deegaanada ku hareeraysan ay ilaa maanta aad u soo galayeen magaaladda si ay xuska 18-ka uga qayb qaataan.
Dalka waxa la galiyay 2 cisho oo fasax ah bari madaxweynaha ayaa si toos ah daddka iyo caalmkaba ula hadli doona iyada oo dunida oo dhan laga daawan doono.
Xuskani waa kii u horeeyay ee ay reer Somaliland ay dabaal degaan iyada oo la aqoonsanyhay.
Midnimada iyo wada jirka reer Somaliland waxa uu gaadhay halkiu u saraysay loomana kala hadhaayo.
Dhanka kalana waxa aad loo adkeeyay amaanka caasimadda iyada oo goobaha mihiimka ah ee caasimadda iyo goobaha dabaal dega lagu xidhay Kamarado sidoo kale waxa aad loo heegan galiyay ciidamada amaanka ee dawladda Somaliland.
Dabaal degyadani waxa ay sidoo kale ka dhacyaan dhamaan lixda gobol ee Somaliland sida degmooyinka Oog iyo Caynaba ee gobolka Sool iyo Togdheer, Sanaag, Awdal Iyo Salaal.
Qarannews.
Hargeisa Somaliland





