Dadka isku sidka Muuse Biixi iyo Qaranimada, waxa muhiim ah in ay ogaadaan in aanay isku sidkanayn.

Muuse waa Madaxweynihii Qaranka, waa masuulkii u sarreeyey waddanka, wixii khaldama isaga leh dhaliisheeda, wixii saxna, isaga leh ammaanteeda, labaduna buugga weyn ee taariikhda ayey u gelayaan.
Taasina Macnaheedu maaha in haddii Madaxweynaha la dhaliilo hoggaamintiisa iyo siyaasaddiisa In loo jeedo Qaranimada, balse hoggaanka Qaranka waa la dhaliili karaa, waana marin habaabin in qof dhaliisha kala cararaya Madaxweynaha uu u turjumo in Qarankii la dhaawacayo.
Dhaliisha toosinta ahi waxbay dhistaa