
Dadkii shicibka ahaa ee shalay lagu xasuuqay deegaanka Adhicadeeye ee bariga Sool oo maanta jinaasad wadeer loogu tukaday isla markaasina loo sameeyay xabaal wadareed.

Shalay ayaa ciidamo hubaysan oo ka soo kicitimay magaaladda Laascaanood ay weerar ku soo qaadeen Tuulada Adhicadeeyo oo galbeed kaga beegan magaaladda Laascanood halkaasi oo ay xasuuq ka geysteen isla markaasina ay guryo badan dab qabadsiiyeen iyaga oo sidoo kale xasuuqay dad tiro badan gaystayna dhaawac faro badan.
Ma aha markii ugi horaysay ee xasuuq noocani ah uu ka dheco deegaankaasi lagu xasuuqaayo dadka Fuqashini ee dega halkaasi sanadkan gudihiisa waa markii labaad ee uu xasuuqani oo kale dhaco iyada oo xiligaasi au dhimashadu kor u dhaaftay 30 qof.
Hubkani ay dadkani isku xasuuqayaan waxa isugu dhiibay oo keenay xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud gaar ahaan wasiirkiisa gashaan dhiga Fiqi, iyaga oo ay u jeedadoodu ahayd in ay ku weeraraan dawlada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland oo ay xukuumadda Xasan Sheekh damacsanyd in ay dhulkaasi nabdoon ay colaad ka abuurto.
Dhanka kalana waxa ay dadka shicibka ee reer Laascaanood ay aad uga qaylinayaan dilalka qorshaysan iyo kuwa badheedhka ah oo ku soo badanaaya magaaladaasi taasi oo maamulka halkaasi ka jiraa uu waxba ka qab kari laayahay sidoo kale waxa ay dadku aad uga qaylinayaan kufsiga oo ah waxa ay haweenka reer Laascaanood ayna hore u arki jirin se hada ah dhibta ugu weyn ee ay haweenku xiligani ka cabsadaan





