Dadweynaha reer Somaliland ayaa dareeno cadha ah ka muujiyay hadalka maanta ka soo yeedhay gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan waxana ay sheegeen in aanu hadalkaasi noqon doonin mid beelaha Somaliland la iskaga hir keeno arinkuna u dhaxeeyo xukuumadda iyo kooxdaas buurta ku jirta ee aan cidna matalin
Saleebaan Gaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dalka ay ku dagaalamayaan beesha Garxajis iyo beelaha kale ee Somaliland oo isku dhan ah.
Hadaba deegaano badan ayaa laga canbaareeyay hadalka Saleebaan waxana hadalkaasi uu aad u dhibay qoysaskii beesha Garxajis ee ay shalay ka baxeen ciidamadii ay jabhadu laysay oo ka mid ahaa beelaha Garxajis.
Sideedaba ma jirto wax Jabhad ah oo ay leeyihiin beesha Garxajis oo loo midaysanyahay, beeshuna waxa ay ku jirtaa ciidamada qaranka ee difaacaaya Jamhuuriyadda Somaliland shalayna u dhintay barina u dhiman doona.
Hadalka Saleebaan Gaal ka soo yeedhay isaga ayuu ku koobanyahay waxana haboon in xilka sare ee hayo iska casilo, raali galina uu ka bixiyo.
Isku soo wada duuboo, Saleebaan Gaal waxa uu u markhaati furay cadawga Somaliland ee meel walba la taagan Jabhada Garxajis oo ah mid ay cadawgu ku kala qaybinayaan shicibka Somaliland waana nasiib daro arinkaasi