Hargeysa(Qaran news)- ilaa 8 qof ayaa ku dhintay dagaal deegaanka Maraaga ee gobolka Sool ku dhexmaray laba ciidan ka wada tirsanaa ciidankii beelaha Majeerteen ee la dagaalamaayay Somaliland.
Labadan ardaa oo ay wararku sheegayaan in ay ka soo kala jeedaan beesha Ciise Maxamuud iyo Cumar Maxamuud ayaa khilaafkoodu uu ka bilaabmay maanta baabuur Tikniko ah iyada oo mudooyinkii ina soo dhaafayba uu jiray khilaaf labadaas beelood u dhaxeeyay.
Xaalada ayaa hada degan iyada oo ciidamadii maanta dagaalka ku dhaawacmayna loo kala qaaday cisbitaalada Garoowe iyo Laascaanood.
Waxana hada xaalada dajiyay hogaanka dhaqanka oo kala dhex galay labada dhinac ee dagaalamay