Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Iran uu “dhinaca milatariga ka dhammaaday”, isaga oo tilmaamay in horumar laga sameeyay dadaallada lagu soo afjarayo colaadda ka taagan Bariga Dhexe.
“Waxaan sii ilaalin doonnaa xaaladda sida ay hadda tahay, waxaana sidaas u sameynaynaa codsi ka yimid dalalka deriska la ah Iran,” ayuu yiri Trump.
Isaga oo warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad, ayuu Trump sheegay in suurtagalnimada uu Mareykanku dib ugu bilaabi karo weerarrada Iran ay tahay “mid aad u yar”.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka digay in Mareykanku diyaar u yahay inuu qaado tallaabo milatari haddii xaaladdu is beddesho.
Mas’uuliyiinta Iran ayaa marar badan shaki geliyay hadallada madaxweynaha Mareykanka ee ku saabsan suurtagalnimada in la soo afjaro colaadda.
Markii la weydiiyay sababta uusan si rasmi ah ugu dhawaaqin dhammaadka dagaalka, Trump wuxuu sheegay in qaar ka mid ah xulafada Mareykanka ee ku sugan gobolka Gacanka Faaris ay weli wajihi karaan weerarro kaga yimaada Iran.
“Waxaan halkaas ku leenahay xulafo aad u wanaagsan, waana inaan hubinno ammaankooda,” ayuu yiri Trump.
Trump ayaa shalay Aqalka Cad kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, halkaas oo ay kaga wada hadleen sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Iran.
Farriin uu ku baahiyay barta X, ayuu ra’iisul wasaaraha Qatar ku sheegay inuu wadahadallo miro-dhal ah la yeeshay Trump iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, kuwaas oo ku saabsanaa sidii heshiis loo gaari lahaa, loona soo celin lahaa nabadda gobolka.
Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ka mid ah xulafada Mareykanka ee gobolka Gacanka kuwaas oo la kulmay weerarro kaga yimid Iran intii uu dagaalku socday. Sidoo kale, khatarta weerarrada ayaa saameyn weyn ku yeelatay isu-socodka duulimaadyada ee gobolka.
Trump ayaa tan iyo markii xisbigiisa Jamhuuriga uu guuldarro kala kulmay doorashooyinkii bartamaha muddada ee Mareykanka, ee dhacay 3-dii November, muujinayay inuu doonayo inuu yareeyo xiisadda kala dhexeysa Iran.





