Dagaalka hadda u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil iyo Iran ayaa laga yaabaa inuu soo afjarmo. Ugu yaraan, taasi waa fariinta ka imanaysa Washington.
Ka dib dhowr toddobaad oo xabbad joojin ah, Talaadadii, May 5-teedii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku dhawaaqay in Howlgalka Epic Fury uu si wax ku ool ah u dhammaaday.
Su’aasha dad badan maskaxda ku hayaan ayaa ah: Yaa guuleystay? Jawaabtu waxay ku xiran tahay cidda sheekada ka warramaysa.
Dalka Iran, warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigaysa cadeyn ah in dalkaasi uu u istaagay kana adkaaday xulafada militari ee ugu awooda badan caalamka.
Magaalada Washington, madaxweyne Donald Trump iyo maamulkiisa ayaa sidoo kale ku dhawaaqaya guul waxayna si joogta ah u sheegaan inay gaareen hadafkoodii.
Laakiin marka laga reebo hadallada dadweynaha, wada-xaajoodyadu waxay noqonayaan kuwo ka muhiimsan dagaalka laftiisa si loo go’aamiyo halka guusha dhabta ah ay ku jirto.
Bbc Somali





