Dagaalka Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu wuxuu noqon karaa mid Aag siyaasaddeed oo cusub ku fura xukuumadda, oo ah dhinaca guddaha, madaama oo uu taageero badan ka haysto qaar badan oo ka mid ah Xildhibaannada Golahaas iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
Maxa ka dhalan kara dagaalkan siyaasaddeed.
 In Xukuumaddu isku daydo, iyada oo Xildhibaannada Muxaafidka ah adeegsanaysa in Mooshin laga keeno
 In Mucaaradku difaacaan, gadhaana heer iyagu ku hanjabaan ama keenaan Mooshinka Maamus ka xayuubin Madaxweynaha ah.
 In Mucaaradku taageero weyn la garab istaagaan, taas oo keeni karta in ay gaadho heer ay isu soo baxyo ku baaqaan, madaama oo ay u arkaan Masuul muhiim ah oo Xisbigaasi ka tirsan Jago muhiim u ahna u jooga Mucaaradka.
 In Khilaafkii Siyaasaddeed ee Somaliland ka taagnaa uu sii cakirno.
 In Xalka Laascanood sii fogaado
Waxaa Qoray:-Saleban Saxansaxo