Itoobiya: Kumanaan kun ayaa ku barakacay dagaallo u dhexeeya beelo wada dega gobolka #Cafar ee #Soomaalida
In ka badan 38,000 oo qof ayaa ku barakacay saddex degmo oo ka tirsan gobolka Canfarta taasoo ka dhalatay dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanka Soomaalida. Gudiga Joogtada ah ee Arimaha Dibada iyo Nabada ee Golaha Wakiilada ayaa xaqiijiyay barakaca baaxada leh kadib markii laga wada hadlay xaalada colaadeed ee ka taagan deegaanka Canfarta, iyadoo warbixino laga helay maamulka gobolka.
Guddigu wuxuu isu keenay mas’uuliyiinta gobolka, maamulka maareynta musiibooyinka, iyo hoggaamiyeyaasha amniga si ay u ururiyaan macluumaadka ku saabsan iskahorimaadyada, qiimeeyaan saameynta bani’aadamnimada, iyo isku-dubbaridka dadaallada wax ka qabashada. Dr. Fatxi Mahdi oo ah gudoomiye ku xigeenka gudiga baarlamaanka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in maamulada ay khusayso ay iska kaashadaan sidii xal waara looga gaari lahaa colaadaha soo noqnoqday ee Canfarta. Waxa uu sidoo kale ku booriyay dadka barakacayaasha ah in ay ka fiirsadaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen tuulooyinkooda marka la helo nabad waarta.
Dagaaladii u dambeeyay ee u dhaxeeyay maleeshiyaad ka soo kala jeeda gobolada Canfarta iyo Soomaalida ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka. Sida ay baahisay wargyska Addis Standard iska hor imaadkan oo ka dhacay deegaano xuduud la leh deegaanka #Gabi_Raasu ee Canfarta iyo deegaanka #Sitti ee ismaamulka Soomaalida ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac