Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlayay munaasabada Ciidu-Aladxa ayaa soo hadal qaaday faragalin uu sheegay inay ku hayaan Soomaaliya iyo Jabuuti.
‘’Waxaad ka war qabtaan in dalal badan ay Somaliland u muujiyeen cadaawad, laakiin inagu waxba uma aynaan gaysan, geelna kama aynaan dhicin, arrina kama aynaan dhicin, wax kalana uma aynaan gaysan. Somaliland siyaasadeeda arrimaha dibaddu waa daris wanaag, nabad ku wada noolaasho iyo is-ixtiraam, gaar ahaan dalalka aanu jaarka nahay Jabuuti iyo Soomaaliya, waxaan u sheegayaa inay ixtiraamaan nabadda, daris wanaaga iyo ixtiraamka dowladaha jaaarka’’
Qoraal lasoo dhigay taleefishinka qaranka Somaliland ayaa kasoo xigtay madaxweyne Cirro farriin uu u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ”Xasan Sheekh waxaan leeyahay haddii aad dowlado kale noo soo kaxaysataan Somaliland kali ma aha. idinkana waanu isaga kiin filanahay





