Bisha Ramadan waa bisha soonka, cibaadada, Alle u dhowaanshaha, inuu qofku iska daayo waxyaabo badan oo raaxo uu u arkayay, iyo beekhaaminta cuntada. Si kastaba, dunida Carabta ayay ka noqotay bisha israafka cuntada.

Inkastoo diinta Islaamka ay ku boorrineyso Muslimiinta inaysanba israaf sameyn, gaar ahaanna bisha Ramadan, dhaqamo ka jira dalalka Carabta qaarkood ayaa ah kuwo caksi ku ah dhaqanakn.

Kala duwanaanshahan ayaa u muuqata inay daaran tahay dhanka cuntada faraha badan ee la daadiyo xilliga Ramadaanka.

Miiska cuntada lagu afurayo ee qoysas badan oo Carab ah auaa waxaa ka buuxa cuntooyin kala duwan, balse marka ay dadka sooman dhammeystaan cunto cunidda, in badan oo cuntadaas ka mid ah ayaa lagu daadiyaa khashinka.

Inkastoo xaaladda dhaqaale ay ka sii dareyso dalalka qaar ee Carabta, qaar badan ma aysan iska deyn caadadooda wax iibsashada Ramadaanka, taasoo keeneysa in cuntada la daadiyo.

Sida uu dhigayo sharciga iibka iyo dalabaadka, iibsashada xaddi badan oo cunto ah muddo gaaban gudaheed, waxay horseeddaa in la kordhiyo qiimaha, taaoso dadka saboolka ah u sababeysa inay iibsna waayaan. Qoysas badan oo ladan kama faa’iidaan cuntada ay soo iibsadeen sababtoo ah ma dhammeyn karaan, sidaas darteedna way daadinayaan.

Warbixin uu soo saaray Ururka Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee (FAO) waxaa lagu sheegay in yareynta cunnada la daadiyo ay muhiim u tahay haqab-beelka cuntada.

Warbixinta FAO ayaa lagu sheegay in dalalka Carabto ay intooda badan soo dhoofsadaan cuntada sidaas oo ay tahayna ay daadiyaan cuntada.

Warbixintan oo sanadkii 2021 la soo saaray waxaa sidoo kale lagu sheegay in “inta u dhaxeysa boqolkiiba 25 iyo 50 cuntada lagu diyaariyo miiska afurka Ramadaanka ee dalalka Carabta la daadiyo oo aan la cunin.”

Dadaallada lagu yareynayo cuntada soo harta xilligga Ramadaanka

Cuntooyinka hambada ah ee la iska daadiyo iyo khashinka kale ayaa caqabad ku noqday Sacuudiga xilliga bisha Ramadaan xilli boqortooyada Sucuudiga ay bilowday olole lagu yareynayo khashinkaas, waxaana sanadkii dalkan uga baxa wax ka qabashada khashinka 40 bilyan oo lacagta Riyaalka ah.

Barnaamijkan oo dowladda Sacuudigu ugu magac dartay “ilaa meesha ugu dambeysa” waxaa looga gool leeyahay yareynta iyo khashinka si loo muujiyo qiimaha ay leedahay in aan lag u tarkifalin cuntada xilligga bishan barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka deegaanka iyo beeraha ee Sacuudiga, Cabdul Raxmaan Al-Fadhli ayaa bartiisa kusoo qoray sidatan: “Khashinka faraha badan gaar ahaan cuntada soo harta waxay caqabad weyn oo dhanka dhaqaalaha, caafimaadka iyo deegaanka ku heysa Sucuudiga , taasoo u baahan in dhammaanteen aan ka shaqeyno sidii aan qaabka ugu waanagsan ugu adeegsan laheyn kheyraadkeenna anigoo inta baahideenna ah isticmaaleyno si aan isaga ilaalinno takri falka dhanka cuntada”.

Dalalka Carabta sida Imaaraatka iyo Tunisia waxay wadaan olole ay shacabka uga wacyigelinayaan ka hortagga qashinka ka dhasha hambada iyo cuntada soo harta bisha Ramadaan af-furka iyo saxuurta kadib.

Tusaale ahaan dalka Masar, hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cuntada ee FAO waxay sheegtay in sanadkii Masar ay khasaariso cuntooyinka muhiimka ah oo khashin isu baddala gaar ahaan boqolkiiba 50 khudaarta iyo miraha Masar, boqolkiiba 40 kalluunka halka boqolkiiba 30 ay caanaha yihiin.