Warbixin caalami ah oo uu baahiyay Kanaalka Horn Vision ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaantay mid ka mid ah awoodaha ugu saamaynta badan gobolka Geeska Afrika. Warbixintu waxay iftiimisay in Somaliland ay si isa soo taraysa uga soo muuqanayso khariidadda istiraatiijiga ah ee gobolka, gaar ahaan marka la eego horumarka ka socda Dekedda Berbera iyo doorka ay ku leedahay ganacsiga caalamiga ah.

Sidoo kale, warbixintan oo Wargeyska Dawan soo xigtay ayaa si cad u muujisay muhiimadda iyo kor u kaca Dekedda Berbera, iyada oo warbaahinta Horn Vision ku tilmaantay xarun istaraatiiji ah oo si weyn u soo jiidanaysa indhaha maalgashadayaasha iyo quwadaha caalamka. Sida lagu sheegay warbixinta, xiisaha sii kordhaya ee Imaaraadka Carabta, Itoobiya, iyo jilayaasha kale ee caalamiga ah ayaa muujinaya doorka Somaliland iyo muhiimadda juquraafiyadeed ee goobta ay ku taallo ee marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sida lagu sheegay warbixinta, horumarka ballaadhan ee laga sameeyay kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada caalamiga ah ee dekedda Berbera ayaa Jamhuuriyadda Somaliland fursad weyn u siinaya in ay noqoto mid ka mid ah meelaha ugu saamaynta iyo awoodda badan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan arrimaha ganacsiga, dhaqaalaha iyo isku xidhka isu-socodka Maraakiibdas badeecadaha qaada ee isaga kala gooshaya gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Warbixinta oo si qoto-dheer u falanqaynaysa arrimahaasi ayaa lagu yidhi: “Somaliland waxay noqonaysaa mid ka mid ah gobollada ugu awoodda iyo hadal haynta badan Geeska Afrika. Laga bilaabo kor u kaca Dekedda Berbera ilaa xiisaha sii kordhaya ee ka imanaya quwadaha adduunka, muuqaalkani wuxuu sahaminayaa sababta goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland ay u soo jiidanayso dareenka Imaaraadka Carabta, Itoobiya, iyo jilayaasha caalamiga ah ee waaweyn.”

Sidoo kale, warbixintu waxay lafa-gur ku samaysay dhawr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin suurto-galnimada ah in Jamhuuriyadda Somaliland ay noqoto mid ka mid ah meelaha ugu istiraatiijisan adduunka, gaar ahaan arrimaha juqraafi-siyaasadeed marinnada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, muhiimadda caalamiga ah ee Dekedda Berbera, iyo sida tartanka sii kordhaya ee quwadaha waaweyn ee caalamku u saamayn karo mustaqbalka Geeska Afrika.

Warbixintu waxay si gaar ah u xustay doorka Dawladda Imaaraadka Carabta, iyo muhiimadda maalgashiga ballaadhan ee shirkadda DP World ku samaysay Dekedda Berbera, taas oo ay warbixintu ku tilmaantay qayb ka ah qorshe ballaadhan oo lagu xoojinayo saameynta ganacsi ee gobolka. Sidoo kale waxa lagu xusay in horumarka Dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor oo isku xidha Somaliland iyo Itoobiya ay sare u qaaday muhiimadda Somaliland ee ganacsiga gobolka.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Somaliland ay si xawli ah ugu soo baxayso xarun muhiim ah oo ku taalla isgoyska ganacsiga caalamiga ah. Isla markaana mustaqbalka Dekedda Berbera uu si weyn u bedelayo isu dheelitirka awoodda ganacsiga ee Geeska Afrika. Sidoo kale, Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa lagu tilmaamay mid si weyn ugu tiirsan dekedo shisheeye, taasina ay Dekedda Berbera ka dhigaysa fursad istiraatiiji ah oo muhiim u ah mustaqbalka ganacsiga Itoobiya.

Ahmed Saleebaan