“Dalkeenna Dagaal Qorshaysan baa ku socda” Guddoomiyaha UCID

Hargaysa (Qaran news): Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dalkeena uu ka dhex socdo dagaal qorshaysan oo in badan laga soo shaqaynayay.

Waxaanu ku baaqay Eng. Faysal, in loo baahan yahay in aynu u diyaar garaw sidii aynu dagaalka inagu socda isaga caabin lahayn, isla markaana bulsho ahaan quluubteena aynu sifayno.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa kaloo uu xusay in ay jiraan cadow fara badan oo ku hawlan sidii ay bulshadeena colaad uga dhex abuuri lahaayeen, kuwaasoo aan xataa ogolayn in aynu nabad helno.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay xaflad xalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa, taasoo lagaga hadlayay arrimaha waxbarashadda.

“Dalkeena Dagaal qorshaysan baa ku socda, oo in badan laga soo shaqaynaayay. Waxaynu u baahan nahay in aynu diyaar garawno, oo quluubteen na aynu sifayno.

Hadaynu nabad doono, waaban la ina daynaynin”ayuu yidhi guddoomiye Faysal.

Geesta kale guddoomiyaha UCID ayaa wasaaradda waxbarashadda Somaliland ku hanbalyeeyay dedaaladda fara badan ee ay ugu jirto tayaynta, iyo horumarinta waxbarashadda dalka.
“Waxaan aad u hanbalyaynayaa wasaaradda waxbarashadda Somaliland oo dedaal badan gelisay tayaynta, iyo horumarinta waxbarashadda dalka”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa kaloo uu sheegay in la tayeeyo dugsiyadda barashadda farsamadda gacanta ee dalkeena, si dhalinyaradeena aynu ugu ku bar-baarino farsamada gacanta.

Isagoo na xusay in ka hor intii aynaan la midoobin Soomaaliya sanadkii 1960-kii in ay dalkeena ka jireen ama ku yaaleen lix dugsiyadda farsamadda gacanta ah.

Waxaanu yidhi “Waa inaynu dhalinyaradeena ku bar-baarinaa farsamada gacanta. Ka hor intii aynaan ka midoobin Soomaaliya 1960-kii waxaynu lahayn lix dugsiyada farsamadda gacanta ah”.