Dallada Bulshada Rayidka ah oo Beenisay inay ka Qaybgaleen Shir Muqdisho lagu Qabtay
Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Dallada Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland Anwar Warsame ayaa beeniyay war sheegay in xubin ka docotay dalladoodu ka qabgashay shir lagu qabtay Muqdisho.
Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u qornaa sidan:-
“Waa arin been abuur ah qoraalka lagu sheegay in gabadh wakiil ka ah Ururada bulshada rayidka Somaliland magaceedana la dheho Rooda Cabdulaahi Xasan ay ka qayb gashay Shir magaalada Muqdisho lagu qabtay . Warkaas oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ku daabacday Barta ay ku leeyihin tweeter-ka.
Waxan uga digayaa maamulka Muqdisho inay ka dheeraadan arimaha been abuurka ee noocan oo kale ah, iyadoo marar badan ay soo noq-noqontay wararkan aan salka iyo raadka toona lahayn. Dhanka kalena aanu jirin Urur Somaliland ka diiwan gashan oo ka qayb galay shir ka dhacaya Muqdisho.”