Daraasad Walaac ka Muujisay Nafaqo-darada Carruurta Somaliland

Hargeysa(Qaran )-Daraasad ay sameysay Hay’adda caalamiga ah Save the Children, ayaa walaac ka muujisay nafaqo darrada carruurta Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ahayd dhawr dal oo ku yaalla Geeska Afrika oo ay Save the Children u dhabo-gashay xaaladda Carruurta.

“Nafaqada carruurta waxa ka jira walaac weyn Jamhuuriyadda Somaliland.Heerarka nafaqa-darrada carruurta da’doodu ka yar tahay shanta sanno, ayaa ka mid ah kuwa ugu sarreeya adduunka, iyadoo lagu qiyaasay 19.7% heerka nafaqo-xumada caalamiga ah, sida ka soo baxday sahan lagu sameeyay carruurta gobolka Awdal oo tusaale loo soo qaatay,” ayaa lagu yidhi sahankaas ay samaysay Hay’addaasi.

Sidoo kale waxay sheegeen inay Somaliland ka socoto dedaalo wax lagaga qabanayo nafaqo-darrada carruurta, waxna kor loo qaadayaa xirfada iyo wax ku oolnimada shaqada hawlwadeennada caafimaadka.

Waxa kaloo daweyn caafimaad la gaadhsiinayaa carruurta ku nool meelaha fog-fog ee miyiga ah.