Daraasadda Waddada Isku Xidha Ceerigaabo iyo Maydh

Hargeysa(Qaran news)-Maareeyaha Wakaaladda horumarinta Waddooyinka Injineer Mawliid Nuux Ibraahim, ayaa soo xidhay kulan lagu soo bandhigayay laguna falanqaynayay muddo laba maalmood ah Daraasadda Wadada isku xidhaysa Degmooyinka Ceerigaabo iyo Maydh.

Kulankan ayaa waxa kasoo qayb galay intii uu socday shirkadda daraasaddan fulisay, saraakiisha Wakaaladda horumarinta Waddooyinka, sanduuqa horumarinta wadooyinka iyo Waxgarad ka socday deegaankaasi.

Muddada labada maalmood ah ayaa waxa lagu gorfeeyay daraasad ku saabsan jidka u dhexeeya Ceergaabo ilaa Maydh, kaasi oo muhiim u ah gobolka Sanaag.

Waxa kulankaasi lagaga dooday cabirka jidka, caqabadaha horyaala iyo sida ku haboon ee loo dhisi karo iyada oo la iska kaashanayo.

Daraasadan ayaa noqon doonta mida ay ku hawlgalaan cidda la rabo inay jidkaasi dhismihiisa fuliyaan, waxaana loogu talagalay in lagu ogaado caqabadaha jidkan horyaala iyo waxii lagag gudbi lahaa.

Jidkasta oo ay wakaallada Horumarinta wadooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ay rabaan in ay dhisaan ama dayac tiraan, waxa ay sameeyaan sida caadiga ah daraasad lagu sugayo jawiga meesha la rabo in laga horgaliyo jidkaasi, si looga hortago wax kasta oo caqabad ku noqon kara dhimaha jidkaasi.