Dastuurka qabyadda ahaa ee Somalia, waxa lala sugayay Somaliland mudo dheer, sidaas ayaa 2012 loogu yeedhay inuu yahay Dastuur ku meelgaadh ah, oo qabyada laga saari doono maalinta Somaliland la helo.

Hadaba, Aqoonsiga Somaliland wuxuu soo dedejiyay in Somalia danteeda ku foofto, oo khiyaaligii Somaliland ayaa soo noqonaysa la iska ilaawo. M/weyne Xasan Sheekh wuxuu go,aansaday in Dastuurka laga saaro ku meelgaadhka iyo qabyadii oo la dhamaystiro, iyadoo lagu salaynayo kaliya maamul goboleedada xubnaha ka ah dawlada Federaalka Somalia.

Qadiyadan Dhamaystirka Dastuurka Somalia waxa uu cadaynaya Dawladnimada & jiritaanka Somaliland iyo inay jiraan laba dawladood oo xuduud wadaaga oo jaar ah.

Dadka siyaasada falanqeeya waxay ku sifayeen talaabada Madaxweyne Xasan Sheekh qaaday inay keeni doonto maalin dhow inuu si rasmiya ugu dhawaaqo Aqoonsiga Somaliland.

Kala guurkii maahee, kala gurasho weeyaan..!!

Wabilahi Tawfiiq
#DubadGacayte