Waxa la soo sheegayaa in dowlad Carbeed ay ku riixaysay Somaliland inay “diido aqoonsiga Israa’iil.”

Dowladdani waxay u sheegaysaa Somaliland in Israa’iil ay weligeed albaabkii u xidhay aqoonsi caalami ah oo dheeraad ah; in guusha xooggan ee Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka ay la macno tahay in Washington ay labada sano ee soo socota ku dhiiran doonto inay aqoonsato Somaliland; ugu dambayntiina, isbeddelka hoggaanka Israa’iil wuxuu kicin karaa dib u eegis lagu sameeyo aqoonsiga ay dawladda Benjamin Netanyahu siisay Somaliland bishii Diseembar 2025.

Warbaahinta Israa’iil toddobaadkan waxay meesha ka saartay warar xan ah oo sheegaya in maamulka Gadi Eisenkot uu qaboojin karo faylka aqoonsiga oo uu la jaanqaadi karo siyaasaddiisa Soomaaliya iyo Somaliland iyo tan bulshada caalamka oo dhan.

Warbaahintani waxay sheegayaan in aqoonsiga Somaliland uu ahaa tallaabo si fiican looga fikiray oo la jaanqaadaysa danaha amniga qaranka ee istiraatiijiga ah ee Israa’iil oo ka tarjumaysa is-afgaradka hay’adaha iyo waaxyaha kala duwan oo aan isbeddeli doonin iyadoon loo eegin dowladda awoodda leh.

Xukuumadda Somaliland iyo dhamaan shicibka Somaliland ayaa si fiican u soo dhaweeyay aqoonsiga Somaliland ay ka heshay dalka Israel taasina ma aha mid waligeed is bedelaysa, Somaliland waxa ay caalamka ka raadinaysaa aqoonsiga wadamo kale.

Somaliland ayaa hore u diiday dhaqaale aad u badan oo ay ka hesho wadamada jaamacda Carabta iyo dalal gaar ah taas oo ay ku bedelanayso ka laabashada aqoonsiga Israel ay ka heshay.

Somaliland waxaay raadinaysaa aqoonsi dherraad ah oo ay caalamka hesho.