Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo u Mahadnaqay Kooxdii Dab-damiska Somaliland
Jigjiga(Qaran news)-Wefti ballaadhan oo ka socda Xukuumadda JSL oo uu weheliyay Wasiirka madaxtooyada Dowlada Deegaanka Soomaalida ayaa booqasho iyo mahadcelin ugu tagay ciidanka Dab-damiska Somaliland ee gurmadka xoogan ka fuliyay dabkii ka kacay suuqa weyn ee Magaalada Jig-jiga .
Waxaana weftigan kamid ah wasiirada wasaaraddaha Qorshaynta, warfaafinta, isgaadhsiinta iyo maayarka Caasimada Hargeysa.
Cidanka dab-demiska Somaliland ayaa si naf hurnimo leh uga qayb qaatay daminta dabkii baabi’iyay suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga.