Madaxweynaha oo Qaabilay Diblomaasi Faransiisku soo Magacaabay
Hargeysa(Qaran)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabilay Maxamed Saxardiid oo ah la taliyaha Arrimaha Ganacsiga oo dawladda Faransiisku u qaabilsan Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr. Ciise Keyd ayaa sheegay in madaxweynuhu si diiran u qaabilay diblomaasigaas oo uu caddeeyay inay yeesheen wadahadallo midho dhal ah oo lagu sii xoojinayo cilaaqaadka ganacsi ee Somaliland iyo Faransiiska.
Dawladaha Ingriiska,Turkiga, Emirate-ka, Itoobiya,Djabouti,Kiiniya iyo dawlado kale ayaa wakiilo ka joogaan Somaliland oo dalalkoodu u soo dirsadeen kuwaasi oo cilaaqaad wanaagsan oo saxiibtinimo la leh Somaliland