D/Hoose ee Hargeysa oo Olole Cashuur Ururun Guri-guri ah ka Bilowday Gacan-libaax

Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiinta Dawladda Hoose Ee Hargeysa oo olole cashuur ururin ah ka bilowday xaafado ka mid ah degmada Gacan-libaax.

Guddoomiyaha degmadda Gacan libaax iyo ku xigeenkiisa oo ay wahelinaayeen xubno ka mid ahaa shaqaalaha Dowladda Hoose Degmaddaasi ayaa ka fuliyey olole cashuur ururin ahaa xaafaddaha Sheekh Madar iyo xaafadda karinta oo Degmaddaasi Gacan libaax ka wado tirsan.

Guddoomiyaha Degmadda Gacan libaax C/raxman Cali Xussen ayaa shacbi weynaha ku dhaqan Degmaddaasi gacan libaax ka dalbadey in wixii cashuuro ah soo bixiyaan,waxaanu kula dardarmey shacabkaasi ku dhaqan Degmaddaasi gacan libaax in kaalintooda ka qaataan talaabooyinka Maayirka Caasiamddu ku qurxinaayo Caasimadda.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Degmadda Gacan libaax C/raxman Cali waxa uu Ganacsatada waa weyn Ee Dalka iyo Dadka qurbo joogtada ah caasimadda guryaha ku leh waxa uu kula dardarmey in wixii cashuuro ah ku baaqdey iska soo bixiyaan,waxaanu guddoomiyuhu xusey ahmiyadda cashuuruhu u leeyihiin kor u qaadista bilicda Magaaladda Hargeysa iyo Horumarka Magaladdaba.

Geesta kalena, Guddoomiye ku xigeenka Degmaddaasi Gacan Libaax Mustafe ilyaas Xusseen ayaa faahfaahin ka bixiyey ololahaas ka fuliyeen Degmaddaas Gacan libaax ,waxaanu Dadweynaha ku Dhaqan Degmaddaasi Gacan libaax u soo jeediyey in ay iska soo bixiyaan wixii cashuur ah ku baaqdey.