Dowladda Itoobiya ayaa maanta Muqdisho uga dhawaaqday in cutubyada ugu horreeya ee ciidanka howl-galka AUSSOM ee dhankooda ka imaanaya ay ka dhigayaan kuwa badda, isla markaana ay diyaariyeen maraakiib, doonyo iyo guud ahaan agabkii ay ciidankaasi ku hawl-geli lahaayeen.
Saraakiisha Itoobiya ayaa dood yaab leh ku soo bandhigay shirweynaha talisyada ku bahoobay Ururka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika ee ESF oo ka socda Muqdisho, iyagoo lasoo baxay heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa, markii la qeybsanayey ciidanka AUSSOM, xilligaas oo Soomaaliya ay ogolaatay in ciidamada loo soo dirayo ay ka mid noqonayaan kuwa badda.
Saraakiisha Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa si adag u diiday qorshaha Itoobiya ay Soomaaliya ku keeneyso ciidankeeda badda.
Ajendaha shirkan ayaa markii hore ahaa xal u helidda caqabadaha ku xeeran nabadgelyada gobolka, ka hortagga dambiyada ka gudba xuduudaha dalalka ku midoobay ururkan iyo iskaashiga dhanka ciidamada, balse Itoobiya ayaa damaceeda ku soo gudbisay shirka.
Dood adag oo lagu sigtay in lagu kala tago shirka ayey abuureen saraakiisha Itoobiya ay u soo dirtay Muqdisho, halka saraakiisha Soomaaliya ay si cad u diideen in warbixintii ay ka jeedinayeen shirkaas ay sii socoto, wuxuuna shirku maanta ku soo dhammaaday buuq iyo sawaxan.
Caasimadda






