Doha, Qaran news)-Waftigii uu hogaaminaayay madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Mohamed Abdullahi ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Qatar waxana madaxweynaha qaabilay madaxda dalka ugu saraysa oo ay ka.mid yihiin reer Boqor sidoo kale waxa uu madaxweynahu uu la kulmay sadex wasiir oo ka mid ah wasiirada ugu cul culus xukuumadda dalkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa la kulmay hay’adaha ugu sareeya dalka Qatar iyada oo uu madaxweynaha iyo waftigiisu ay wali ku guda jiraan booqashadii rasmiga ahayd waxa ay la kulmi doonaan madax kale oo badan.

Qaabka hada loo soo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisa ayaa ka heer sareeya habkii loogu soo dhaweeyay madaxweynaha dalalkii uu booqday tan iyo intii uu xilka qabtay.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ah madaxweynahii ugu horeeyay ee booqd dalka Qatar taasi oo dhabada u jeexday in labada dal ee Somaliland iyo Qatar ay noqdaan laba dal oo xidhiidh walaaltimo uu dhex mari doono.

Wixii war ah ee dheeraadah ee ka soo kordha socdaalka waftiga waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararka danbe